Ciidamo badan oo ka tirsan milatariga Itoobiya ayaa toddobaadkan si ballaadhan uga hawlgalaya gobollada Nogob iyo Erar.
Ciidamada milatariga ayaa ku sugan deegaanada u dhexeeya Gudhis ilaa Xamaro. Sidoo kale, dhinaca Nogob, ciidamada ayaa lagu arkayay dhulka miyiga ah iyo magaaloyinka.
Ciidamada ayaa baadhaya baabuurta isaga kala gooshta magaalooyinka, gaar ahaan baabuurta xamuulka ah oo si weyn loo baadhayo.
Ilaa hadda lama oga sababta ciidamada milatarigu uga hawlgalayaan dhul intaas le’eg, iyadoo markii hore aanay halkaas joogin ama lagu arki jirin.
