Magaalada Qardho ayaa laga dareemayaa xaalad kacsanaan ah, kadib markii hal qof oo shacab ah uu ku geeriyooday, halka saddex kalena ay ku dhaawacmeen israsaasayn ka dhacday magaalada.
Sida ay sheegayaan wararka la helayo ciidamada Birmadka oo waday howlgal ay hubka kaga dhigayaan dadka shacabka ah ayaa ay israsaasayn dhexmartay qof shacab ah taas oo sababtay khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca.
Dhanka kale dad shacab ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada iyaga oo xiray qaar ka mid ah waddooyinka sida ka muuqata muuqaallo laga helayo magaalada Qardho.
Xaaladda magaalada ayaa weli kacsan mana jiraan faahfaahin dheeraad ah oo laga helay Laamaha amaanka Gobolka kakaar


