Thursday, October 1, 2026

Munaasabada Aaska 105 Qof oo Meydadkooda Laga soo Saaray Burburka Dhismaha Qasa.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Waxaa saaka si rasmi ah u bilaabatay munaasabadda aaska iyo duugista 105 qof oo meydadkooda laga soo saaray burburka dhismaha iyo xaafadda “Al-Taj” (Al-Taj Residential Square) ee magalada Gaza.

Xaafadda Al-Taj ayaa ahayd goob ay ku nafwaayeen in ka badan 300 oo qof weeraradii hore u dhacay, kuwaas oo intooda badan ay weli meydadkoodu hoos yaallaan burburka dhismayaasha.

Dadaallada lagu doonayo in lagu soo saaro meydadka inta dhiman ayaa weli ah kuwo aad u adag oo ay carqalad ku yihiin qalab la’aanta iyo baaxadda burburka oo aad u weyn.

Maanta waxaa la aasayaa oo keliya 105 kamid ah dadkaas, taas oo ka dhigan in weli la sugayo in xabaal wadareed ama aaska dadka kale loo sameeyo marka la soo saaro.