Thursday, August 20, 2026

Museveni Oo Xasan sheekh Ugu Gooddiyay in Ciidanka AUSSOM laga Saarayo dalka, Haduusan la Heshiin Mucaaradka

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Museveni Oo Xasan sheekh Ugu Gooddiyay in Ciidanka AUSSOM laga Saarayo dalka, Haduusan la Heshiin Mucaaradka muddada ka hartay sannadkan.

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa ku hanjabay in Ciidanka Midowga Afrika laga saarayo Soomaaliya haddii uu Xasan sheekh ku fashilmo in uu la heshiiyo Mucaaradka, sidaas waxaa baahisay African Intelligence.

Tan iyo shirkii Kampala waxa socda kulamo aan kala joogsi lahayn oo ay wadaan Taliyayaasha Ciidanka ee Waddamada ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Waxaa la qorsheynayaa in AUSSOM dib u gasho dagaalka ka dhanka ah Al shabaab dibna loo qabto goobihii ay horay u qabsadeen kaddibna lagu wareejiyo Ciidanka Soomaaliya.

Museveni ayaa Xasan u sheegay in muddada sanadkan ka hartay uu xal kama dambeys ah uga gaaro khilaafka iyo ismariwaaga siyaasadeed ee dalka.

Waxa uu ku gooddiyay in haddii Xasan uu ku fashilmo la heshiinta mucaaradka muddadaas sanadka ah in Ciidanka Uganda aysan sii joogeyn Soomaaliya.