Wargeyska Israa’iil ka soo baxa ee Times of Isreal ayaa maanta ku warramay naceybka Yahuudda ee caalamka inay gaartay heerkii u sarreeyay nus qarnigii u dambeeyay, iyadoo xaaladan la sheegay inay mar kale xaalad cabsi ah gelisay bulshada Yahuudda, kuwaasoo billaabay inay ka guuraan goobihii deegaanka u ahaa raadsadaana sidii ay u degi lahaayeen goobaha Yahuuddu ku badan tahay.
Sidoo kale xaaladan ayaa waxaa la sheegay inay si gaar ah u saameysay dhallinyarada Yahuudda oo hadda aan nolal la sameyn karin qof aan Yahuuddi ahayn, taasoo dhalisay keliya cidda qaabili karta ee shukansi iyo wada noolasho ay la qaadan karaan inay tahay Yahuud kale.
