Netanyahu ayaa xalay wajahay guuldarro siyaasadeed oo culus, kaddib markii isbahaysiga mucaaradku la wareegay guddoonka Baarlamaanka Israa’iil, oo muddo dheer ka mid ahaa xarumaha ugu muhiimsan ee awoodda siyaasadeed ee uu ku tiirsanaa.
Matan Kahana ayaa si aqlabiyad leh ugu guuleystay xilka guddoomiyaha Baarlamaanka Israa’iil. Kahana oo uu taageerayay garabka Gadi Eisenkot, oo ku hawlan sidii uu dowlad cusub u soo dhisi lahaa, ayaa helay 66 cod, halka Ofir Katz oo uu Netanyahu taageerayay uu helay 52 cod. Guushaas waxaa laf-dhabar u ahaa 19-ka xildhibaan ee Carabta, kuwaas oo codkooda ku biiriyay mucaaradka. Tallaabadani waxay markii ugu horreysay si cad u muujisay awoodda isbahaysiga uu hoggaamiyo Eisenkot, kaas oo isku keenay codadka xildhibaannada Yuhuudda iyo Carabta si uu uga hor yimaado Netanyahu.
Xildhibaannada Carabta ayaa sidoo kale doorashadan ka gaaray guul siyaasadeed oo taariikhi ah, iyagoo helay laba ka mid ah xilalka guddoomiye ku-xigeennada Baarlamaanka. Ahmad Tibi iyo Walid Taha ayaa ku guuleystay xilalkaas, taas oo Carabta siinaysa matalaad iyo awood dheeraad ah oo ay kaga qayb qaataan hoggaaminta iyo go’aannada Baarlamaanka. Arrintan ayaa si weyn uga hor imaanaysa mowqifkii Netanyahu, oo muddo dheer diidanaa in xisbiyada Carabtu qayb ka noqdaan awoodda siyaasadeed ee dalka.
Intii ay doorashadu socotay, waxaa soo baxay muuqaallo muujinayay Netanyahu oo aan sal dhul dhigeyn, isla markaana marar badan ku mashquulsanaa telefoonkiisa. Markii natiijadu soo baxday, wuxuu jeediyay hadal uu ku muujinayay sida uu uga walaacsan yahay isbeddelka dhacay, isagoo xaaladda Israa’iil ku tilmaamay inay ku dhacday god. Wuxuu si gaar ah uga hadlay in xildhibaannada Carabtu heleen awood ay ku saameeyaan jihada siyaasadeed ee Israa’iil, arrintaas oo uu u soo bandhigay khatar weyn oo ku wajahan Israa’iil.
Maxay xaaladdani uga dhigan tahay Netanyahu?
Baarlamaanka Israa’iil waa hay’ad awood weyn ku leh dejinta sharciyada iyo jihaynta siyaasadda. Sidaas darteed, luminta guddoonkiisu ma aha oo keliya in Netanyahu laga qaaday xil muhiim ah, balse waxay dedejinaysa dhismaha dawlad cusub oo meesha ka saarta Netanyahu.
Saameynta ugu weyn ayaa durba ka muuqatay hadalkii guddoomiyaha cusub, Matan Kahana, oo ballanqaaday in dib loo soo celin doono awoodda iyo madax-bannaanida garsoorka Israa’iil. Tallaabadan waxay fursad siinaysaa mucaaradka inay dib u eegaan isbeddelladii uu Netanyahu ku sameeyay nidaamka garsoorka, kuwaas oo lagu eedeeyay inay wiiqeen awoodda maxkamadaha. Waxa kale oo ay saameyn ku yeelan kartaa baaritaannada la xiriira eedeymaha musuqmaasuqa ee Netanyahu iyo baaritaanka fashilkii amni ee ka dhashay weerarkii 7-dii Oktoobar 2023.
Guusha mucaaradku waxay sidaas ku yeelanaysaa laba dhinac oo Netanyahu cadaadis lagu saarayo. Mid waa awoodda cusub ee ay ku maamuli karaan ajandaha Baarlamaanka iyo sharciyada laga doodayo; kan kalena waa fursadda ay ku xoojin karaan hay’adaha garsoorka iyo baaritaannada uu Netanyahu muddo dheer ka hortagayay.
