14
Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif ayaa muujiyay caro xooggan, markii 14 carruur ah ay ku dhinteen dab ka kacay mid ka mid ah isbitaallada weyn ee dowladda Pakistan wuxuuna xilka ka qaaday Xoghayaha Federaalka Caafimaadka.
Dabka ayaa ka kacay qaybta hooyada iyo dhallaanka ee Isbitaalka PIMS ee Islamabad waxaana la sheegay inuu ka badbaaday Hal cunug.
Afhayeenka isbitaalka ayaa sheegay in dabku ka billowday qalabka qaboojinta hawada, kadibna uu si degdeg ah ugu faafay qaybta isku xirrada ogsijiinta.
