Eeyo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ayaa loo adeegsanayaa baadigoobka iyo samatabixinta Nepal.
Booliska iyo ciidamada Nepal ayaa adeegsanaya diyaarado aan duuliye lahayn iyo eeyo tababaran si ay u raadiyaan dadka ku maqan fatahaadaha.
Booliska Nepal ayaa sheegay in ilaa hada la hayo 100 qof oo dhimasho ah oo ka dhashay fatahaadaha xooggan, waxaana dadka dhntay laga kala helay deegaanno kal aduwan oo fatahaaddu ka dhacday.
Warbixinnada cusub ayaa muujinaya in tirada dhimashadu weli isbeddelayso iyadoo hawlgallada baadigoobka iyo samatabixintu socdaan.
Xaalad jaha-wareer ah ayaa ka taagan dalkaas.





