Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, xubno ka tirsan Xukuumadda Somaliland, iyo shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ee ku dhaqan Waqooyiga Ameerika ayaa maanta isu-soo-bax ballaadhan oo taariikhi ah ku qabtay afaafka hore ee Xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York.
Isu-soo-baxan ayaa ahaa mid ay Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ku cabbirayeen rabitaankooda siyaasadeed, himiladooda qaran iyo doonistooda ku aaddan aqoonsi caalami ah oo buuxa, iyaga oo si nabadgelyo, sharciyad iyo masuuliyad leh dunida ugu gudbiyay codka Qaranka Somaliland.
Munaasibaddan ayaa xambaarsanayd farriin si cad u muujinaysa in Qaddiyadda Jamhuuriyadda Somaliland aanay ahayn arrin ku kooban Xukuumad ama koox siyaasadeed, balse ay tahay himilo Qaran iyo arrin masiiri ah oo ay Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland tobonnaan sano u soo halgameen, kuna dhiseen nabad, xasillooni, dawladnimo, dimuqraadiyad iyo Hay’ado Qaran oo shaqaynaya.
Isu-soo-baxayaasha reer Somaliland ee isugu yimid UN-ka hortiisa, ayaa ugu baaqay bulshada Caalamka iyo Hay’adaha caalamiga ah, gaar ahaan Qaramada Midoobay, in ay si dhab ah u dhegaystaan Codka Shacabka Somaliland, si dhab ahna u eegaan qaddiyadda Somaliland iyada oo laga duulayo xaqiiqooyinka dhabta ah ee jira, rabitaanka Shacabka JSL, sooyaalka taariikheed, ka sharci muhimadda istiraatiijiga ah ee Gobolka.
Dareenka Shacabka JSL ee maanta New York ka muuqday waxa uu ahaa mid xambaarsan farriin Shacab, xusuusta halgan qaran, qiimaha nabadda iyo dawladnimada la dhisay, iyo rajada mustaqbalka ee jiilasha soo socda ee Somaliland.

















