Sunday, September 27, 2026

Ruushka Oo Kordhiyay Digniinta Bilowga Dagaalka Sadaxaad Ee Dunida

by Heemaaln
2 minutes read
A+A-
Reset

Ruushka ayaa kordhiyay digniinaha ku saabsan suurtagalnimada Dagaalkii Adduunka III, iyadoo wasiirka arrimaha dibadda Ruushka Sergei Lavrov uu sheegay in Vladimir Putin uu Yurub ku burburin karo “daqiiqado gaaban”.

Lavrov ayaa madaxda reer Galbeedka ku eedeeyay inay Putin ku riixayaan dagaal. Kadib kulan uu la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda Jarmalka Johann Wadephul, wuxuu Jarmalka ku eedeeyay inuu doonayo inuu abuuro waxa uu ugu yeeray “Boqortooyo Afraad (Fourth Reich)” isla markaana uu Yurub ka hurinayo Naasiyad.

Lavrov wuxuu sheegay in Dagaalka 3 Xaad uu noqon karo mid si fudud ku bilowda, isagoo ku andacooday in dalalka Yurub ay kordhinayaan kharashaadka hubka ayna isu diyaarinayaan dagaal.

Wuxuu sheegay in haddii Ruushka la weeraro, jawaabtu ay noqon doonto dagaal “gebi ahaanba ka duwan” oo gaaban, hadalkaas ayaa loo fasirtay inuu tilmaamayo suurtagalnimada adeegsiga hubka nukliyeerka.

Lavrov sidoo kale wuxuu ku eedeeyay Jarmalka inuu doonayo inuu noqdo awoodda milatari ee ugu weyn Yurub, isagoo xusay hadallo uu sheegay Chancellor-ka Jarmalka Friedrich Merz oo ku saabsan in Jarmalku mar kale noqdo awoodda milatari ee hoggaamisa Yurub.

Dhanka kale, Wadephul wuxuu sheegay inuusan doonayn in wadahadalka Yurub iyo Ruushka gebi ahaanba loo daayo Maraykanka, wuxuuna dalbaday in Ruushku joojiyo weerarrada uu ku tilmaamay “hybrid attacks”.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in sirdoon Ukraine ay hayaan xog muujinaysa in Ruushku doonayo inuu dagaalka ku ballaariyo dalal ama gobollo kale.

Isla waqtigaas, weerarro Ruushku ka fuliyay Ukraine ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac. Weerarrada ayaa lala beegsaday xarumo Sirdoonka , adeegyada internet-ka iyo meelaha kale ee muhiimka ah. Weerarro ka dhacay Sumy waxaa lagu dilay laba qof, halka 28 qof oo ay carruur ku jiraan ay ku dhaawacmeen.

Weerar ka dhacay Zaporizhzhia ayaa sidoo kale lagu dilay ugu yaraan saddex qof, afar kalena way ku dhaawacmeen.

Warbixintu waxay sidoo kale sheegaysaa in diyaarado NATO ah loo diray Romania kadib markii diyaarado aan duuliye lahayn oo Ruush ah ay ku dhowaadeen xadka Danube ee u dhexeeya Romania iyo Ukraine.