Tuesday, September 15, 2026

Sacuudiga Oo ku Wargeliyey Dalalka Yurub in la Joojin-doono Shidaalka Yurub loo Raro

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ku wargelisey dalalka Yurub in todobaadyada soo socda ay joojin doonto shixnadaha shidaal qaar ee Yurub loo raro, ka dib markii ay diyaarado-iswada ay waxyeelleen dhuumaha shidaalka dhoofka boqortooyada, iyada oo isla maantana la xidhay qaybtii shidaalka ee dekedda Yanbu ee Badda-cas ee Sucuudi-ga.

Tani waxay cadaadis saari doontaa sahayda saliidda ee Yurub waxayna durba sababtay koror qime shidaal oo caalami ah.

Dhaqdhaqaaqa Xuutiyinta Yemen ee galay surinka Baab Al-Mandeb ayaa dhaliyey saameyn siyaasadeed, dhaqaale & amni oo laga dareemey Carabta ilaa Yurub.