Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa maanta jawaab ka bixiyay hadalo la isla dhex-marayay islamarkaana ay xisbiga Dimuqraadigu ku eedeynayeen kasoo ahaa in dagaalka Iran ay Israel ku qasabtay Trump inuu si fudud u galay.isagoo arintaasi ka hadlaya ayaa yiri:
“Isra11L waligeed iguma Qancin dagaalka aan la galay Iran. Waxa iga dhaadhiciyay waa wixii dhacay 7-da Oktoobar, oo ahayd maalintii Qasa iyo sidoo kale fikraddayda aan muddo dheer qabay ee ah in Iiraan waligeed aanay helin hub Nukliyeer ah” Donald Trump
Trump ayaa sidoo kale ka hadlay ujeedada uu ka leeyahay wada-hadalada uu kula jiro Iran waxuuna Yiri:
“Muhiimada ugu weyn ee aanu wadahadallada Iran u galnay waa hal dalab oo aan gorgortan laga geli karin, Iiraan waa inay ka tanaasushaa haysashada hubka nukliyeerka: Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.
