Safiifka UK ee Somaliya Oo Sheegay in uu ku Shaqeeyo Nolol Adag oo Muqdisho ka jirta

by Heemaaln
2 minutes read
A+A-
Reset

Safiifka UK ee Soomaaliya, Charles King ayaa sheegay in uu ku shaqeeyo nolol adag oo Muqdisho ka jirta! Halkaan ka aqri maqaal uu qoray oo Inside Somalia kaaga dhigtay Soomaali!

Ma jiraan xilal diblomaasiyadeed oo badan ee Kambaleelka Saacada ee 06:00 subaxnimo lagu beddeli karo guuxa diyaarad dagaal oo F-16 ah, balse sidaas ayay inta badan ku bilaabmaan subaxahayga dhowaanahan ee Muqdisho. Kadib dhawaaqan toosinta ah, waxaan galaa socod laba daqiiqo ah oo u dhexeeya hoygayga gaashaaman ilaa xafiiska safaaradda, socod aan ku maro qorraxda kulul ee Soomaaliya, taas oo aad uga duwan wixii aan kala kulmay shaqooyinkaygii hore ee Paris ama Istanbul.

Sannadkii 2013, Boqortooyada Midowday ee UK waxay noqotay mid ka mid ah dalalkii reer galbeedka ee ugu horreeyay ee dib u fura safaarad ku taalla Soomaaliya. Waxaan ku dhowaad hal sano ahaa safiirka Britain ee Muqdisho. Xarunteennu waxay ku taallaa inta u dhexeysa garoonka diyaaradaha caalamiga ah iyo badda. Muuqaalka Badweynta Hindiya wuxuu maskaxda ka caawiyaa inay degto, balse dabaasha lama dhiirrigeliyo sababo la xiriira shark-yada halkaas ku sugan.[ Shark waa kaluun halis ah]. Safaaraddu waxay matashaa dhammaan hawlaha caalamiga ah ee UK, iyadoo ay ka shaqeeyaan diblomaasiyiin, saraakiil militari iyo khubaro bani’aadannimo.

Tan iyo markii la furay, waxaan si dhow ula shaqaynaynay dowladihii kala dambeeyay ee Soomaaliya iyo saaxiibbada caalamiga ah si wax looga qabto khataraha kooxaha argagixisada sida AS iyo Daacish, loo xakameeyo burcad-badeedda caalamiga ah, loona yareeyo dhibaatada bani’aadannimo. Waxaan la shaqaynaa howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika iyo taageerada saadka ee Qaramada Midoobay. Dhawaaqa diyaaradaha qumaatiga u kaca ee waaweyn ee caddaanka ah ee Qaramada Midoobay marka ay kacayaan ama ka soo laabanayaan jiidaha hore waa cod si joogto ah uga dhex yeera nolol maalmeedkeenna.

Horumar dhab ah waa la sameeyay, balse guulo badan weli way jilicsan yihiin, Soomaaliya-na waa deegaan adag oo laga shaqeeyo. Waa mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan ee shabakadda diblomaasiyadeed ee UK, sidaas darteed amniga aniga iyo kooxdayda ayaa ah mudnaanta koowaad. Waxaan la qabsaday xirashada iyo ka bixitaanka jaakadaha gaashaaman iyo raacista gaadiidka gaashaaman. Mar walba ma aha habka ugu raaxada badan ee loo shaqeeyo, balse wuxuu noo suurtageliyaa inaan bannaanka u baxno oo aan gudanno shaqadayada diblomaasiyadeed. Muqdisho waa saldhiggayaga, balse waxaan u safraa meelo kala duwan oo dalka ah.

Waxaan sidoo kale helnaa waqti aan ku qabanno kulammo diblomaasiyadeed oo dhaqameed. Horaantii sanadkan waxaan qabanay xuska Burns Night [Burns Night, oo ah habeen dhaqameed Scottish ah oo lagu xuso gabayaaga caanka ah Robert Burns] . Ma jiro wax ka wanaagsan gabayo iyo ciyaarta si dadka la isugu soo dhaweeyo, xitaa goob colaadeed. Hal daqiiqo waxaan hubay in qalbiga safiirka Kenya uu ku sugnaa buuraleyda Highlands.

Dhisidda xiriirrada dalka oo dhan iyo fahamka sida loo taageeri karo horumarka waa sababta aan halkan u joogno. Taasi waa arrin dan wadaag u ah Soomaaliya, UK iyo guud ahaan beesha caalamka. Waxa keliya ee aan u baahanahay inaan xasuusto waa inaan si adag u qabsado dhegaha-xiraha.”