Thursday, November 19, 2026

Safiirka Türkiye ee Somaliya oo kulan la Yeeshay Madaxweyne Firdhiye.

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Safiirka Türkiye u fadhiya Soomaaliya, Ferhat Alkan, ayaa kulan la yeeshay Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Waqooyi-Bari Soomaaliya, Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali Firdhiye.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Türkiye iyo maamulka Waqooyi-Bari, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, maalgashiga iyo hirgelinta mashaariicda horumarineed.

Safiir Ferhat Alkan ayaa kulanka ku xaqiijiyey sida ay Türkiye uga go’an tahay taageeridda nabadda, xasilloonida iyo horumarka dhammaan qaybaha Soomaaliya, isaga oo Türkiye ku tilmaamay saaxiib soo jireen ah oo Soomaaliya leedahay.