Shaqaalaha garoommada diyaaradaha dalka Kenya Oo Galay Shaqo joojin

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Shaqaalaha garoommada diyaaradaha dalka Kenya aya galay shaqo joojin, waxaana istaagay duulimaadyadii ka soo baxayay iyo kuwa tagayay Kenya,iyadoo shaqo joojintan ay saameysay duulimaadyadii isku xirayay Kenya iyo dunidda oo dhan oo ay ku jirto Soomaaliya oo maalintii labaad la joojiyay, taasoo keentay rakaab badan in laga celiyo garoonka diyaaradaha Nairobi ee Jomo Kenyatta.

Shaqo joojinta shaqaalaha garoommada diyaaradaha Kenya ayaa la xiriirta cabasho ay gudbiyeen ururka Shaqaalaha Duulista Kenya (KAWU) oo dalbaday in xilka laga qaado Agaasimaha Guud ee Hay’adda Garoomada Kenya (KAA), Moses Wekesa oo ay ku eedeeyeen inuu caqabad ku yahay howlaha shaqo oo ay ku jirto inuu haysto lacag uu ururku leeyahay,diidayna inuu la kulmo oo wada hadal la yeesho wakiillada ururka iyo inuu si guud u adkeeyay xiriirka u dhexeeya maamulka KAA iyo shaqaalaha.

Wadahadallo maanta dhacay oo la doonayay in xal loogu helo shaqo joojinta ayaa hakad galay ,taasoo dhalisay in wasiirka Gaadiidka Kenya, Davis Chirchir uu la kulmo mas’uuliyiinta ururka dhaqaalaha duuliska Kenya, iyadoo la filayo duulimaadyadii baaqday shalay iyo maanta qaarkood in la fasaxo, si loo yareeyo cariiriga iyo rakabka badan ee ku xanniban Jomo Kenyatta.

Screenshot

Screenshot