Daelada Fadaraalka Oo Sheegtay Inay ka Hortagayso in Maraykanku Aqoonsado Somaliland Xili Uu M/Ciro Safar ku aTagayo

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Dowladda Federaalka ayaa sheegtey in ay toos ula xidhiidhayso Mareykanka isla markaasna ka-hortegeyso tallaabo kasta oo aqoonsi oo ay heli karto Somaliland, sida uu wargeyska Sharqu-awsad u sheegey Wasiiru-dowlaha Arrimaha-dubedda JFS, Cali Cumar

Wasiirka ayaa Dowlaha Carabta ugu baaqay in ay adeegsadaan xidhiidhkooda iyo saameyntooda, isla markaasna ka-hortagaan in aqoonsiga Israa|| ee Somaliland keeno aqoonsiyo kale oo caalami ah.

DFS waxa ay sheegtey in ay si adag u wajahayso dowlad kasta oo isku-dayda in ay qaybiso Soomaalida ama saldhig ka dhigata dalkeeda, iyada oo aan fasax ka haysan Muqdisho.

Tani waxa ay imanaysaa xilli dhawaan lagu wado in Madaxweynaha SL, Cirro uu booqasho ku tago Mareykanka.