Shiinaha ayaa maanta muwaadiniintiisa ugu baaqay inay deg deg uga baxaan dalka Eswatini, oo ah boqortooyo ku taalla koonfurta Afrika, isagoo sabab uga dhigay khataro amni, balse lama bixin faahfaahin la xiriirta khataraha deg deg ah ee dalkaa uu wajahayo.
Wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha ayaa warsaxaafadeed ugu sheegtay muwaadiniinta ka jooga Eswatini inay sida ugu dhakhsaha badan u guuraan dalal ay u aragto inay ka ammaan badan yihiin, sida Koonfur Afrika.
Arrintan ayaa si gaar ah xasaasi u ah, sababtoo ah Eswatini waa dalka keliya ee Afrika ku yaal oo ka mid ah 12-ka dal ee dunida oo weli xiriir diblomaasiyadeed la leh Taiwan. Shiinuhu wuxuu Taiwan u arkaa qayb ka mid ah dhulkiisa, waxaana Beijing muddo dheer cadaadis ku hayay dalalka xiriirka la leh Taiwan inay xiriirkooda u wareejiyaan Shiinaha.
