Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland, Xuseen Aadan Cige (Deyr), ayaa Maraykanka iyo xulafadiisa ugu baaqay inay aqoonsadaan Somaliland, isaga oo arrintaas ku sababeeyey isbeddellada cusub ee ka socda gobolka Bariga Dhexe iyo Badda Cas, gaar ahaan iskaashiga dhinaca difaaca ee dhexmaraya Sucuudiga, Turkiga iyo Pakistan.
Afhayeen Deyr ayaa hadalkan ku sheegay qoraal uu caawa ku baahiyey barta X, isaga oo sheegay in heshiiska cusub ee dhinaca difaaca ee dhexmaraya Turkiga, Sucuudiga iyo Pakistan uu muujinayo isbeddello cusub oo ku wajahan loollanka awoodda quwadaha caalamka iyo isu-dheellitirka awoodda gobolka.
Waxa uu saddexda dal ku tilmaamay quwado Muslimiin Sunni ah oo leh awood dhaqaale, siyaasadeed iyo ciidan, kuwaas oo uu sheegay inay sii xoojinayaan saamayntooda istaraatiijiga ah ee marin-biyoodka Bab-al-Mandab, Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas.
Sida uu sheegay Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland, goobahan ayaa muhiimad weyn u leh ganacsiga iyo amniga caalamka, taasina ay ka dhigayso isbeddel kasta oo ku yimaadda isu-dheellitirka awoodda gobolka mid saamayn ku yeelan kara danaha quwadaha caalamka.
Afhayeen Deyr ayaa sidoo kale isweydiiyey sida Maraykanka, Israa’iil, Midowga Yurub iyo xulafadooda kale uga jawaabi doonaan isbeddelkan cusub ee ka muuqda isu-dheellitirka awoodda gobolka.
Waxa uu sheegay in muhiimadda juqraafiyeed ay leedahay Somaliland, isaga oo sheegay in goobta ay ku taallo ay siinayso door istaraatiiji ah oo la xidhiidha amniga iyo ganacsiga caalamka, gaar ahaan marin-biyoodka Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
Xuseen Deyr ayaa ku dooday in aqoonsiga Somaliland ee Maraykanka iyo xulafadiisu uu noqon karo, sida uu hadalka u dhigay, “jawaab istaraatiiji ah” oo lagu xoojinayo xasilloonida, isu-dheellitirka awoodda iyo amniga gobolka.
Afhayeenku waxa uu ugu baaqay Maraykanka iyo xulafadiisa inay raacaan tallaabadii ay Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland, isaga oo arrintaas ku xidhiidhiyey isbeddellada cusub ee dhinacyada siyaasadda, amniga iyo iskaashiga milatari ee gobolka.
