Monday, November 16, 2026

Somaliland oo Xabsi ku Xukuntay Nin u Tartamaya Madaxweynaha Somaliya iyo Wariyihii Waraystay

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ayaa xabsi ku xukuntay siyaasiga Cabdiqaadir Maxamed Sharaay oo sheegay inuu u sharaxan yahay xilka Madaxweynaha Soomaaliya iyo wariye Cabdiraxmaan Cige oo waraysi la yeeshay.

Maxkamaddu waxay Cabdiqaadir Sharaay ku xukuntay hal sano oo xabsi ah, halka wariye Cabdiraxmaan Cige lagu riday xukun saddex bilood ah. Labadooduba waxay muddo ku xidhnaayeen magaalada Hargeysa.

Cabdiqaadir Sharaay ayaa waraysi uu siiyey telefishanka Horn Cable TV kaga hadlay damaciisa siyaasadeed ee ku aaddan inuu u tartamo xilka Madaxweynaha Soomaaliya, arrintaas oo sababtay in wariyihii waraysiga ka qaaday isaguna xidhan mutaysto.

Intii ay socotay dhegaysiga dacwaddiisa, Sharaay waxa uu maxkamadda u sheegay inuu taageersan yahay qarannimada Somaliland, isla markaana uu Somaliland iyo Soomaaliya u aqoonsan yahay laba dal oo kala madax-bannaan. Waxa uu sidoo kale soo bandhigay caddaymo uu ku muujinayo inuu hore u sheegay mowqifkaas.

Xadhigga wariye Cabdiraxmaan Cige ayaa hore u dhaliyey walaac ay muujiyeen hay’adaha u dooda xorriyadda saxaafadda, kuwaas oo su’aalo ka keenay sababta wariyaha loogu xidhay waraysi uu la yeeshay siyaasi ka hadlayey damaciisa siyaasadeed.

Xukunnadan ayaa imanaya xilli ay dood ka taagan tahay xorriyadda saxaafadda iyo xuduudaha ay warbaahintu u leedahay tebinta arrimaha siyaasadeed.