Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Eritrea oo kulan gaar ah yeeshay ayaa isku raacay inay abuuraan jawi wadashaqaynayd oo loog hortagayo faragelinta shisheeye ee ka dhanka ah danaha labada dal.
Xasan Sheekh Maxamuud iyo Isaias Afwerki oo saaka ku kulmay magaalada Alamein ee Masar ayaa xoojiyay soo celinta iskaashiga labada dal, kulankan ayaana noqonaya midkii ugu horeeyay oo gaar ah oo labada Madaxweyne dhexmara tan iyo 2024.
Wasiirka Warfaafinta Eritrea, Yemani Gabremaskel oo farriinta shirka baahiyay, waxaa uu sheegay in labada hoggaamiye isku afgarteen in la difaaco midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.
