Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa Muqdisho ku qaabilay wafdi sare oo ka socda Ciidanka Cirka Pakistan, oo uu hoggaaminayo Taliyaha Difaaca Cirka ahna Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Cirka Pakistan, Air Marshal Muhammad Sarfraz.
Kulanka oo uu ka qeyb galay Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, S/Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji, ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga difaaca ee Soomaaliya iyo Pakistan, gaar ahaan dib-u-dhiska iyo tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, tababarka iyo kor u qaadista awoodda iyo xirfadaha saraakiisha.
Booqashada wafdiga Pakistan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu sii xoojinayo xiriirka amni iyo difaac ee labada dal. Waxay sidoo kale daba socotaa booqashadii Wasiir Fiqi uu 4-tii Agoosto 2026 ku tagay Pakistan, xilligaas oo Soomaaliya iyo Pakistan ay kala saxiixdeen Heshiis Is-afgarad (MoU) oo ku saabsan iskaashiga difaaca iyo amniga.
Wasiir Fiqi ayaa muujiyey muhiimadda ay leedahay in iskaashiga Pakistan uu taageero qorshayaasha Soomaaliya ee dhismaha iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka, iyadoo si gaar ah loo xoojinayo awoodda Ciidanka Cirka, tababarka ciidanka iyo horumarinta aqoonta iyo xirfadaha saraakiisha Soomaaliyeed.
