Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay U-qaybsanaha Difaaca Mareykanka ee Soomaaliya, Colonel Egan O’Reilly, iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhinacyada difaaca iyo xaaladda amni ee dalka.
Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray dib-u-dhiska, tayeynta iyo horumarinta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, iyo sidii loo xoojin lahaa taageerada iyo iskaashiga milatari ee Soomaaliya iyo Mareykanka.
Sareeye Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji ayaa dowladda Mareykanka uga mahadceliyay taageerada ay siiso Ciidamada Qalabka Sida Soomaaliyeed, gaar ahaan Ciidanka Cirka, oo haatan ku jira dadaallo lagu tayeynayo awooddiisa iyo howlaha uu dalka ka fuliyo. Dhankiisa, Colonel Egan O’Reilly ayaa sheegay in Mareykanku sii wadi doono taageerada uu siiyo Soomaaliya, isagoo uga mahadceliyay Taliska Ciidanka Cirka soo dhaweynta loo sameeyay.
Mareykanka ayaa ka mid ah saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya ka taageera dhinacyada amniga iyo la-dagaallanka Al-Shabaab. Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale taageerta ciidamada Danab, oo ah cutubyo gaar ah oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo door muhiim ah ka qaata howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamiga ah, gaar ahaan dhinacyada difaaca, tababarka iyo tayeynta Ciidamada Qalabka Sida, iyadoo dalka uu weli wajahayo caqabado amni oo la xiriira dagaalka Al-Shabaab.


