Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay dagaalka iyo barnaamijka nukliyeerka Iiraan, isagoo khudbaddiisa ku difaacay tallaabooyinka milatari ee Maraykanka ee ka dhanka ah Iiraan.
Trump ayaa sheegay in haddii heshiis lala gaari waayo Iiraan, uu Maraykanku “burburin doono Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan.”
Wuxuu sidoo kale sheegay inuu aaminsan yahay in Iiraan ay ugu dambayn heshiis la geli doonto Maraykanka kadib doorashooyinka dhexe ee Maraykanka.
Trump ayaa mar kale Iiraan ku tilmaamay dalka ugu weyn ee maalgeliyaha argagixisada caalamka, isagoo intaas ku daray in Iiraan aysan hadda khatar ahayn, maadaama Maraykanku uu burburiyay barnaamijkeeda nukliyeerka.
Madaxweynaha Maraykanka ayaa sidoo kale ku celiyay sheegashada ah in tobannaan kun oo dibadbaxayaal ah lagu dilay Iiraan xilliyadii u dambeeyay.
Wuxuu dhaleeceeyay dalalka Yurub, isagoo sheegay inaysan si ku filan uga fiirsan khatarta gantaallada Iiraan, isagoo sidoo kale sheegay in ciidanka iyo dhaqaalaha Iiraan si weyn loo burburiyay.
Trump ayaa sidoo kale ku faanay inay joojiyay xasuuqii lagu hayay dadka reer Qasa ayaa yidhi. “Waxaan soo afjarney dagaalkii Qasa, annagoo badbaadiyay nolosha kumanaan qof.”
Khudbadda Trump waxay timid kadib markii Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, uu furay kalfadhiga 81-aad ee Golaha Guud. Kalfadhiga doodda guud wuxuu socdaa 22 ilaa 28 Sebtembar 2026.
