Xamaas Oo Maanta ku Dhawaaqay Inay Iska Casileen Maamulka Gaza Ee ay Hayeen.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Dhaqdhaqaaqa Xamaas ee Reer Falastiin ayaa maanta ku dhawaaqay in ay soo afjareen maamulkii Gaza ee ay hayeen ku dhawaad 20ka sano.

Ismail al-Thawabta oo ah madaxa Xamaas ee Warbaahinta ayaa sheegay in iyaga oo fulinaya dhameystirka heshiiskii Xabbad joojinta ay ku dhawaaqeen kala diridda maamulkii magaaladaas ee soo billowday 2007dii.

Xamaas waxaa ay ku dhawaaqday in Garabyadeeda siyaasadeed iyo Milatari ay sii jirayaan laakiin aysan wax shaqo ah ku lahayn maamulka Magaalada.

Waxaa ay xilka ku wareejinayaan Guddi farsamo oo ka dhexdhismay heshiiskii uu Mareykanka dhexdhexaadiyay ee Guddiga Nabadda.

Guddiga ayaa bila dhowr ah dibad joog ah iyada oo Israel ay diidday in ay gudaha galaan.

Madaxa Guddiga maamulaya GAZA Xamaas kaddib ayaa soo dhaweeyay go’aanka Ururka.

Maxey kula tahay?