Friday, September 18, 2026

Somaliya Oo Xaqiijisay in Markabka Xamuulka M/V JACUAR Uu Degay Markii Uu la Kulmay Cilad Biyo-gal ah.

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in markabka xamuulka M/V JACUAR, oo wata calanka Saint Kitts and Nevis, uu caariyay kadib cilad biyo-gal ah oo ka dhacday gudaha markabka.

Markabka oo ka yimid Mozambique kuna sii jeeday Masar ayaa sida qiyaastii 7,007 tan oo badeeco ah, waxaana saaran 18 shaqaale ah oo u kala dhashay Hindiya, Suuriya iyo Masar.

Wasaaraddu waxay sheegtay inay waddo gurmad iyo isku-duwidda hawlaha samatabixinta si loo xaqiijiyo badbaadada shaqaalaha.