Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, ayaa magaalada Jeddah ee dalka Sacuudi Carabiya heshiis kula saxiixday dhiggiisa Sacuudiga, Dr. Towfiiq bin Fowzaan Al-Rabiici, kaas oo lagu go’aamiyay qoondada rasmiga ah ee xujeyda Soomaaliyeed ee sannadka 1448 Hijriyada, kuna beegan 2027.
Heshiiska ayaa dhigaya in Soomaaliya loo qoondeeyay 11,500 oo boos oo Xajka ah, taas oo ka dhigan tirada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee loo oggolaaday inay sannadka soo socda gutaan waajibaadka Xajka, iyadoo la raacayo nidaamka iyo shuruudaha ay dejisay dowladda Sacuudiga.
Saxiixa heshiiskan ayaa qeyb ka ah heshiisyada sannadlaha ah ee ay dowladda Sacuudiga la gasho dalalka Muslimiinta, kuwaas oo lagu qeexo tirada xujeyda dal kasta, habraacyada safarka, hoyga, gaadiidka iyo adeegyada kale ee la xiriira gudashada waajibaadka Xajka.
Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa dalka Sacuudiga, halkaas oo ay uga qeybgalayeen Madasha Xajka iyo Bandhigga Adeegyada Xajka. Madashan oo ah kulan heer caalami ah ayaa waxaa ka qeybgalay wufuud iyo masuuliyiin ka socday dalalka Muslimiinta, iyadoo diiradda lagu saaray horumarinta adeegyada loo fidiyo xujeyda iyo diyaar-garowga xilliga Xajka ee sannadka 2027.
Kulamada noocan ah ayaa sidoo kale fursad u ah dalalka ka qeybgalaya inay la jaanqaadaan nidaamka cusub ee maamulka Xajka, isla markaana kala shaqeeyaan dowladda Sacuudiga sidii loo hagaajin lahaa adeegyada ay helayaan xujeyda dalalkooda.
Munaasabadda saxiixa heshiiska waxaa goobjoog ka ahaa Qunsulka Guud ee Soomaaliya u fadhiya magaalada Jeddah, Cabdiwali, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, Dr. Cabdinaafic, Guddoomiyaha Xafiiska Adeegyada Xajka Soomaaliya, Dr. Khadar Daahir, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan labada dhinac.
Heshiiskan ayaa Soomaaliya siinaya saldhigga rasmiga ah ee qorsheynta iyo diyaarinta safarka xujeyda sannadka 2027, iyadoo tallaabooyinka xiga ay noqon doonaan diyaarinta habraacyada diiwaangelinta, adeegyada xujeyda iyo isku-duwidda hay’adaha ku shaqada leh arrimaha Xajka.
