Wednesday, November 11, 2026

Dalalka Yurub, Oo ka Cabsi Qaba In Jarmalka Uu Weerarro Ruushka.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Dalalka Yurub, waxay cabsi ka qabaan Jarmalka inuu weerarro Ruushka, taasoo ay ka dhalanayso in dhammaan dalalka Yurub ay wajahaan khatarta weerar nukliyeer ah oo Ruushku ku qaado Yurub.

Maxaa cusub?
Waxa walaacan dhaliyay ayaa ah inuu Jarmalku soo saaray gantaal riddo dheer oo gaari kara magaalo kasta oo ka tirsan Ruushka, isagoo markii hore inta lagu jirin soo saarista gantaalkan wax xog ah siin dalalka kale ee Yurub, waxaa kaloo uu Jarmalka soo iibsaday gantaallo kale oo riddo dheer,taasi waxay dhalisay in cabsi laga qaado sida gantaalkan uu u adeegsan karo Jarmalka.

Xaaladan waxay dhalisay Faransiiska , inuu waydiiyo Jarmalka habka loo adeegsanayo gantaaladan , isla markaana u sheegay Jarmalka iskuday kasta oo lagu weerarro Ruushka inay cawaaqib ku yeelanayso Yurub oo dhan.

Waxa Faransiisku, mas’uuliyada isku saarayo ayaa ah in hadda Faransiisku qorsheynayo dalalka Yurub inuu geeyo gantaalladiisa nukliyeerka, taasoo qayb ka ah siyaasadda difaaca wadajirka ah ee nukliyeerka oo Faransiisku ku doonayo inuu ku hoggaamiyo Yurub, oo laga dhigo dhul ay ku diyaarsanyihiin bambooyinka nukliyeerka oo aan si fudud loo weerarri karin, balse mid ka mid ah dalalka uu hubka nukliyeerka gaynayo Faransiiska , haddii uu weerarro Ruushka, wuxuu Faransiisku ku sheegay in tallaabada oo loo qaadanayo mid uu oggolaaday Faransiiska, halkaana dagaal nukliyeer ah uu ka qarxi karo, sida lagu sheegay warbixin uu baahiyay wargeyska Financial Times . See less