Sunday, September 13, 2026

Taliyaha Milatariga Oo la kulamy Taliyaha Ciidanka gaar ah ee Africom.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa Muqdisho ku qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee Mareykanka ee Qaaradda Afrika, Sareeye Gaas Claude K. Tudor Jr.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga amni iyo howlgallada ee Soomaaliya iyo Mareykanka, iyadoo si gaar ah looga hadlay taageerada Mareykanka ee lagu horumarinayo awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay tayeynta iyo dhismaha awoodda ciidamada, tababarrada, diyaar-garowga hawlgallada iyo sidii loo sii xoojin lahaa awoodda Ciidanka Xoogga Dalka ee ka howlgala goobaha dagaalka.

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu falanqeeyay muhiimadda ay leedahay in la dhiso ciidan qaran oo leh awood iyo xirfad ciidan oo sare, isla markaana awood u leh inuu si hufan uga jawaabo caqabadaha amni ee dalka.

Mareykanka ayaa muddo dheer kaalin muhiim ah ka qaatay taageerada ciidamada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada tababarka, la-tashiga, taageerada hawlgallada iyo horumarinta cutubyo gaar ah oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed uu wado dadaallo lagu xoojinayo awooddiisa, diyaar-garowga iyo isku-filnaanshaha ciidamada, iyadoo iskaashiga caalamiga ah uu qeyb ka yahay qorshayaasha lagu horumarinayo awoodda amni ee Soomaaliya.