Sunday, September 13, 2026

Somaliya oo Digniin ka Muujisay Adeegsiga Teknoolojiyadda cusub ee Argagixisada

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Danjire Abuukar Baalle, ayaa sheegay in khatarta argagixisadu ay si joogto ah isu beddelayso, isagoo sheegay in kooxahan ay si dhaqso ah uga faa’iideysanayaan teknoolojiyadaha cusub.

Danjire Abuukar Baalle ayaa sheegay in kooxaha argagixisadu ay baraha bulshada u adeegsanayaan qorista iyo soo jiidashada xubno cusub, halka barnaamijyada isgaarsiinta ee sirta ah ay u isticmaalaan qorsheynta howlgallada iyo weerarrada.

Waxa uu sidoo kale sheegay in kooxaha argagixisadu ay adeegsanayaan sirdoonka macmalka ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, kuwaas oo uu tilmaamay in loo adeegsanayo fulinta weerarro aan la malayn karin inay suurtagal noqon lahaayeen toban sano ka hor.

Danjire Baalle ayaa sheegay in Soomaaliya ay si weyn u wiiqday khatartii ay Al-Shabaab iyo Daacish ku hayeen dalka, isagoo xusay horumarka laga sameeyay dagaalka ka dhanka ah kooxahaas.

Safiirka ayaa xusay naf-hurnimada ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, kuwaas oo uu sheegay inay labaatankii sano ee lasoo dhaafay door weyn ka qaateen dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Waxa uu tilmaamay in ciidamada Soomaaliya ay bixiyeen dadaalo badan intii ay ku jireen dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo kooxaha hubeysan ee dalka ka howlgala.

Waxa uu sheegay in inkasta oo dagaalka ka dhanka ah argagixisadu uusan weli dhammaan, haddana ay muhiim tahay in Soomaaliya ay yeelato lahaanshaha iyo hoggaaminta dadaallada lagu sugayo amniga iyo xasiloonida dalka.

Waxa uu ugu dambeyn sheegay in lahaanshaha qaran ee dagaalka iyo dadaallada nabadeed ay yihiin aasaaska lagu gaari karo nabad waarta, iyadoo Soomaaliya ay sii wadanayso dadaallada ka dhanka ah kooxaha argagixisada.