Madaxweynaha Mareykanka ayaa Hogaamiyeyaasha Iiraan si naxariis leh uga codsaday iney sii daayaan oo ay dhibaato gaadhsiin haweenkan.
Trump wuxuu yidhi “Waxaan hogaamiyeyaasha Iiraan oo dhawaan wadda-hadalo la yeelan doona wakiiladeyda si wayn uga codsanayaa in lasii daayo haweenkan, waan huba iney ixtiraami doonaan codsigan, fadlan wax dhib ah ha u geysanina, hadii aad sidaa sameysaan waxay bilow wanaagsan u noqon doontaa wadda-hadaladeena.”
Iiraan ayaa qorsheynaysa iney xukun daldalaad ah ku rido 8 haweenka ah oo dhamaantood Iiraniyiin ah, kuwaasoo loo haysto iney kasoo horjeeden Dowlada Iiraan.
