Donald Trump ayaa u sheegay Tv-ga CNN ee Maraykanka in Iran aysan haysan wax kale oo ay sameyso marka laga reebo inay heshiis gaarto.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa yiri: “Ugu dambayn waxaan gaari doonnaa heshiis weyn… waxaan u maleynayaa inaysan lahayn wax xulasho ah, waxaan joognaa meel aad u adag oo aan ku gorgortanno.”
Wuxuu ka digay inuusan kordhin doonin xabbad-joojinta, isla markaana uu diyaar u yahay inuu dib u bilaabo dagaalka.
Haddii aan heshiis la gaarinna, waxaan filayaa “in duqeyntu ay bilaabato, sababtoo ah waxaan u maleynayaa in taasi ay tahay habka ugu wanaagsan. Diyaar ayaan u nahay, waxaan ula jeedaa in ciidamada ay si weyn u sugayaan tallaabo la qaado.”
Saacad ka hor, Mr. Trump ayaa mar kale ku eedeeyay Iran inay si joogto ah u jebisay xabbad-joojinta, isagoo ku qoray baraha bulshada, balse ma uusan sheegin dhacdo gaar ah.
Iran wali ma aysan shaacin go’aankeeda ku aaddan ka qaybgalka wada-hadallada nabadeed ee Islamabad, balse Maxamed Baqer Qalibaf, afhayeenka baarlamaanka ahna madaxa kooxda wada-xaajoodka ee Iran, ayaa adkeeyay in “aanan aqbali doonin wada-hadal lagu galo hooska hanjabaadaha, labadii toddobaad ee u dambeeyayna waxaan isku diyaarinaynay inaan soo bandhigno xeelado cusub oo dagaalka ah.”
Dhanka kale, wakaaladda wararka ee Tasnim, oo ku dhow hay’adaha milatariga iyo amniga, ayaa qortay:
“Iyada oo la tixgelinayo in uu soo dhow yahay dhammaadka muddada xabbad-joojinta lagu heshiiyay, isla markaana tallaabooyinka xad-dhaafka ah ee Mareykanka iyo ku dhawaaqista go’doomin badeed ay hor istaageen dib u bilaabista wada-hadallada, Iran si buuxda ayay ugu diyaarsan tahay suurtagalnimada dagaal dib u qarxa,”.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku eedeeyay Iran inay jebisay heshiiska xabbad-joojinta “marar badan.”
Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo weli ay jirto hubanti la’aan ku saabsan in wadahadallo u dhexeeya Mareykanka iyo Iran ay maanta ka dhici doonaan magaalada Islamabad, maadaama Iran aysan weli si rasmi ah u xaqiijin ka qaybgalkeeda.
