Wednesday, September 9, 2026

Trump oo Shaaciyay Waqtiga Uu Filayo inDdagaalka Iraan Dhammaan doono

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Arbacadii wariyeyaasha u sheegay inuu aaminsan yahay in dagaalka Iran uu dhammaan doono “isla marka ay doorashada Maraykanka soo dhammaato”.

Trump ayaa ula jeeday doorashada dhexe ee Maraykanka ee loo qorsheeyay inay dhacdo 3-da November.

Waxa uu sheegay in Iran “aysan mar dambe iska caabin karin”, isla markaana ay quus joogto.

Trump ayaa sidoo kale ku eedeeyay Iran inay isku dayayso inay saameyn ku yeelato doorashada Maraykanka, si loo doorto dad uu ku tilmaamay kuwa “daciif ah oo aan ku habboonayn xilka”, kuwaas oo Iran u oggolaan kara inay hesho hub nukliyeer ah.

“Waxa keliya ee ay doonayaan waa hub nukliyeer ah, haddii ay helaan hub nukliyeer ah, dunida oo dhan dhibaato weyn ayay ku jiri doontaa,” ayuu yiri Trump.

Waxa uu sheegay in wadahadallo ay dhici karaan, balse uu intaas ku daray: “Taasi ma aha waxa aan raadinayno.”

Trump ayaa hadalkiisa sidoo kale ku xusay in sagaal maraakibta qaada shidaalka oo Iran leedahay la quusiyay, isagoo yiri: “Weerarradaas annaga ayaa qaadnay.”