Sunday, October 18, 2026

Trump Oo si Buuxda u Taageeray Netanyahu Doorashada Digniina u Diray Shacabka Israa’iil

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Trump ayaa taageero buuxda u muujiyey Netanyahu, ka hor doorashada la qorsheeyey 27-ka Oktoobar.

Trump ayaa taageeradiisa ku lammaaneeyey digniin ah in haddii shacabka Israa’iil doortaan hoggaamiye kale, Maraykanku keligiis qaadi doono weerarrada milatari ee ka dhanka ah Iiraan, arrin uu sheegay inuusan jeclayn.

Farriin uu u diray shacabka Israa’iil, Trump wuxuu Netanyahu ku tilmaamay ra’iisul wasaare dagaalyahan weyn,isaga oo sheegay in awoodda milatari iyo dhaqaalaha Iiraan si weyn loo wiiqay. Wuxuu intaas ku daray in haddii Tehran aysan siyaasaddeeda beddelin, uu dhowaan dhammaystiri doonno hawsha.

Trump wuxuu sidoo kale sheegay in haddii Israa’iiliyiintu doortaan qof aan ahayn “Bibi”, oo ah naanaysta Netanyahu, Maraykanku ku khasbanaan doonto inuu isagu hawshaas qabto.

Taageeradan ayaa timid xilli ra’yi-ururinno ay soo bandhigeen warbaahinta Israa’iil ay muujinayaan in xisbiga Likud ee Netanyahu inuu hoos u dhacay oo xisbiga Yashar ee uu hoggaamiyo Gadi Eisenkot, oo hore u ahaa madaxa guud ee ciidamada Israa’iil uu ka sareeyo.