Villa Somalia Oo ka Hadashay Ujeedada Safarka Xasan Sheekh ee Galmudug

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudud. Madaxweynaha waxaa garoonka Dhuusamareeb ku soo dhaweeyey madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ujeedka safarka madaxweynaha ku sheegtay inay ku qotomaan xoojinta dadaallada dowladda ee dhismaha iyo tayeynta Ciidamada Qalabka Sida, iyada oo Madaxweynuhu uu ka qayb-gali doono munaasabad tababar lagu soo xirayo cutubyo ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

“ Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddada uu ku sugan yahay Galmudug daah-furi doona mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyay deegaannada dowlad-goboleedka, kuwaasi oo qeyb ka ah qorsheyaasha lagu dardargelinayo adeegyada dadweynaha iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaale iyo bulsho ee dalka.” ayaa lagu yiri qoraalka Villa Somalia.

Waxaa intaas la raaciyey in madaxweynhu sidoo kale kulamo la qaadan doona qeybaha kala duwan ee bulshada Galmudug, oo uu dhageysan doona aragtidooda, baahiyahooda dowladnimo iyo talooyinkooda ku aaddan horumarka, amniga, dowlad-dhiska iyo mustaqbalka dalka.