Waxaad wajahaysaa dhinac adag (Iiraan) oo aan diyaar u ahayn inuu is dhiibo ama uu kuu hoggaansamo.
Trump ayaa ugu jawaabay:
“Xaggee ka oggaatay arrintaas?… Waxba kama ogid”
Wariyaha ayaa markale yiri: Miyaadan arkin inay dhowr maalmood ka hor weerar ku qaadeen maraakiib Mareykan ah?
Trump ayaa ku jawaabay:
“Taariikhda dagaallada, laba ama saddex maalmood waa waqti aad u dheer, wax badan ayaana dhici kara muddadaas…24-kii saac ee la soo dhaafay wax walba si wanaagsan ayay u socdeen…!”
Waxa xusid mudan in mar kasta oo Trump yiraahdo wax walba si fiican ayay u socdaan ama uu sheego in heshiis lala gaaray Iiraan,inay Iiraan si degdeg ah u soo baxdo oo ay arrintaas beeniso.
