Friday, September 18, 2026

Wasiirada Difaaca Ee Somaliya Iyo Shiinaha Oo Arimo Muhiim ah ka Wada-hadlay

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan heer sare ah la yeeshay Wasiirka Difaaca Shiinaha, Admiral Dong Jun, iyadoo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal iyo ballaarinta iskaashiga difaaca iyo amniga.

Wasiir Fiqi ayaa uga warramay horumarka Soomaaliya ee amniga, dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo dib-u-dhiska Ciidanka Xoogga Dalka, halka Admiral Dong Jun uu bogaadiyey dadaallada Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa isla qaatay dardargelinta iskaashiga difaaca iyo amniga iyo hirgelinta is-afgaradyada jira, si loo xoojiyo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya iyo gobolka.