Wasiirka Difaaca Israa’iil, Yisrael Katz, oo ka hadlay xaaladda Koonfurta Lubnaan, ayaa yiri:
“Waxaan horay u sheegay in Koonfurta Lubnaan ay noqon doonto sida Qasa. Waxaan halkaas ka hirgelin doonaa qaabkii Rafax.
Waxaan burburinay wax kasta oo halkaas yaallay, waxaana ula dhaqmi doonnaa si la mid ah.
Waxaan burburinnay kaabeyaashii deegaanka. Waxaan duminnay 24 tuulo oo Lubnaan ah oo ku yaallay xadka.”
Wuxuu intaa ku daray; “Tuulooyinkaas waxay jireen boqollaal sano, laakiin waxaan si nidaamsan ugu darnay dhulka annagoo adeegsanayna cagafyo iyo walxaha qarxa.
Boqolkiiba 90 guryihii waa la burburiyay. Inta u dhexeysa 15,000 ilaa 20,000 oo guri ayaa la dumiyay.
Dadka degganaa Koonfurta Lubnaan dib uma soo laaban doonaan, sababtoo ah guryahoodii ayaa la burburiyay.Hadda halkaas kuma noola dad rayid ah. Waxaa jooga oo keliya askar iyo guryo burbursan.”
