Wasiirka Caafimaadka ee UK, Zubir Ahmed ayaa noqday wasiirkii ugu dambeeyay ee ka tirsan dowladda ee iska casila xilkiisa.
Warqaddiisa iscasilaadda oo uu ku daabacay barta X, ayuu saaxiibka Wes Streeting ku yiri:“Waxa si cad uga muuqata dhacdooyinkii maalmihii u dambeeyay in shacabka UK ay si buuxda kalsoonidiaadii u lumiyeen adigoo ah ra’iisul wasaare ah.” isaga oo ka wada Starmer
Iscasilaaddiisu waxay timid kadib markii saddex wasiir kale—Jess Phillips, Alex Davies-Jones iyo Miatta Fahnbulleh—ay sidoo kale xilka ka tageen.
Ra’iisul Wasaare Sir Keir Starmer ayaa wajahaya cadaadis xooggan oo kaga imanaya ku dhawaad boqol xildhibaan oo xisbigiisa Labour ka tirsan kuwaasoo ka dalbaya in uu iscasilo, kaddib guuldarradii xisbiga ka soo gaadhay doorashadii Golayaasha Deegaanka.
Si kastaba, Starmer ayaa sheegay inuusan iscasilayn, wuxuuna u sheegay cid kasta oo rabta inay hoggaanka kula tartanto inay si rasmi ah u shaaciso.

