Sawirro dayax-gacmeed lagu qaaday ayaa muujinaya bur bur la gaarsiiye Saldhiga Ciidanka Cirka ee Harar Meda, sida uu sheegay falanqeeye sirdoon (OSINT) ah Rich Tedd.
Sawirrada maanta la qaaday ayaa muujinaya raadad gubasho oo ka muuqda dhowr xarumood oo saldhigga ku yaalla.
Saldhiggan ayaa sidoo kale loo yaqaan Debre Zeyit Airbase, wuxuu qiyaastii 45 km koonfur-bari kaga beegan yahay Addis Ababa. Hal dhisme oo la rumeysan yahay inuu yahay bakhaar ayaa u muuqda inuu burburay (8.72185, 38.99822)
Sawirradu waxay noqonayaan caddeyntii ugu horreysay oo xoojineysa sheegashooyinka Jabhada itoobiya oo sheegtay in saldhigga lagu weeraray gantaal riddadiisu dheer tahay ama madaafiic. 

