Xuutiyiinta Yemen Oo Laga Saaray Marin-biyoodkan Istaraarijiga ah Ee Mayuun.

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Xuutiyiinta Yemen ayaa lumiyay marin-biyoodka Bab al-Mandab, waxaana laga saaray goobtii u dambeysay ee ay ka maamuli kareen marin-biyoodkan istaraarijiga ah ee Mayuun.

Wakiilka Sacuudiga ee Yemen, Mohammed Al Jaber oo waxyar ka hor shaaciyay in Xuutiyiinta laga saaray jasiiradda Mayuun oo ay ku yaalaan saldhigyo militari oo istaraatiji ah.

Jaber,wuxuu yiri; “Jimce barakaysan, guushuna ha u sugnaato qof kasta oo Yemeni ah iyo Carab ah. Bab al-Mandab waxaa laga nadiifiyay haraadiga maleeshiyada argagixisada Xuutiyiinta.”

Xuutiyiinta , wali kama aysan falcelin ku dhawaaqistan.