Shiinaha Oo Kenya ugu Deeqay Lacag Dhan $2 Milyan Oo ka Hortaga Faafitaanka Cudurka Halista ah Ee Ebola.

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Shiinaha ayaa Kenya ugu deeqay lacag dhan $2 milyan oo dollar, si loogu taageero wax ka qabashada abaaraha iyo ka hortaga faafitaanka cudurka halista ah ee Ebola.

Lacagtan oo ay safiirka Shiinaha ee Kenya, Guo Haiyan, ku wareejisay dawladda Kenya, ayaa loo qaybiyey laba qaybood: $1 milyan oo lagula tacaalayo abaaraha iyo $1 milyan oo lagu xoojinayo diyaar-garowga caafimaadka iyo ka hortaga Ebola.

Taageeradan ayaa ku soo beegmaysa xilli Kenya ay xaqiijisay kiiskii ugu horreeyey ee Ebola, kaas oo uu u geeriyooday qof dalka ku soo laabtay, kana yimid Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.