26 qof Oo ku Dhimatay Rabshado ka Dhacay Xabsi ku yaal Sri Lanka.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Rabshado ka socday labo maalmood xabsiga Negombo, oo ku yaalla magaalo xeebeed waqooyi ka xigta caasimada Colombo ayaa ka billowday iska horimaad dhex maray laba kooxood oo maxaabiis ah.

Wararku waxay sheegayaan in hubka askarta ilaalada uu gacanta u galay maxaabiista. Labo qof ayaa maalintaas la dilay iyadoo tobaneeyo Kalena ay dhaawacmeen. Markii dambe, maxaabiis rag iyo dumar isugu jira oo qeyb kale ku jiray ayaa soo fuulay dabriga iyagoo dalbanayay in la sii daayo.

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in weli la daaweynayo 23 askari oo ka tirsan shaqaalaha xabsiga iyo 54 maxbuus.

Qaar ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa la geeyay Isbitaalka Negombo. Agaasimaha isbitaalka ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in qaar ka mid ah dadka ay ku dhaawacmeen rasaas.

Ehelka maxaabiista ayaa isugu yimid dibadda xabsiga. Qaar ka mid ah ayaa u sheegay BBC-da in aysan ogeyn halka ay ku sugan yihiin dadkooda.