Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, waxaa maanta ka furmay shir weyne wada-tashi oo ay ka qaybgalayaan in ka badan afar kun oo qof oo matalaya gobollada iyo qowmiyadaha Itoobiya, muddo saddex toddobaad ah oo shirkan uu soconayo ayaa la sheegay arrimaha lagu go’aaminayo inay ku jirto wax ka beddel lagu sameynayo dastuurka Itoobiya , iyadoo Itoobiya ay ka guurayso nidaamka federaalka ee qowmiyadaha ku dhisnaa loona beddelayo nidaam ku dhisan hal qaran , si meesha looga saaro ismaamul qowmiyadeedka ay ku dhisantahay Itoobiya, taa oo ka dhigan isbeddel weyn oo ka dhacaya Itoobiya, waxaa xataa wax ka beddelka dastuurka ee la soo jeediyay ku jirta in meesha ka saarayo xaqa ay qowmiyadaha u lahaayeen gobolladooda inay ka go’aan inta kale ee ItoobiyaXisbiga talada Itoobiya haya ee Barwaaqo oo diyaariyay wax ka beddelka dastuurkan ayaa doonaya in meesha laga saaro qodobka dastuurka uu ku billaabanayo ee ah:
“Annaga oo ah qowmiyadaha, jinsiyadaha iyo shucuubta Itoobiya…”
Wuxuuna xisbiga Barwaaqo soo jeediyay in weedhan la beddelo.
“Annaga oo ah shacabka Itoobiya ee mideysan ee ka kooban quruumo kala duwan.”
Si arrintan loo fahmo, waa in la ogaadaa in Itoobiya tan iyo 1995 ay leedahay nidaam federaal ah oo ku dhisan qowmiyadaha. Dastuurka hadda jira wuxuu aqoonsan yahay “qowmiyadaha, jinsiyadaha iyo shucuubta Itoobiya” wuxuuna siinayaa xuquuq siyaasadeed iyo mid maamul.
Nidaamkan waxaa la sameeyay ka dib markii la soo afjaray dawladdii milatariga ahayd ee Derg, iyadoo fikradda ugu weyn ay ahayd in qowmiyadaha kala duwan ee Itoobiya la siiyo awood ay ku maamulaan arrimahooda, isla markaana la ilaaliyo aqoonsigooda.
Laakiin sannadihii u dambeeyay waxaa sii xoogeysatay dood ku saabsan in nidaamkan uu xoojiyay kala qaybsanaanta qowmiyadeed, halkii uu ka abuuri lahaa dareen qaran oo mideysan, sida uu ku doodayo xisbiga talada haya ee Barwaaqo.
Arrintan ayaa ka mid ah sababaha la sheegay Xisbiga Barwaaqo inuu u soo jeediyay in wax laga beddelo qaybo ka mid ah dastuurka, iyadoo wax ka beddelkan uu suragal xataa ka dhigayo in dib u eegis lagu sameeyo habka ay ku dhisanyihiin gobollada Itoobiya ee ah nidaam qowmiyadeed, lagana yaabo in gobollada mustaqbalka lagu saleeyo juqraafi iyo isku xirnaanta dhaqaale. Tusaalaha ugu dhow waa in halkii la oran lahaa gobollada ismaamulka quwmiyad , loogu yeero hab jiho, sida gobollada galbeedka ama koonfurta Itoobiya, taasoo meesha ka saaraysa xuquuqdii ay qowmiyad si gaar ah u sheegan lahayd gobollada.
Dadka taageersan isbeddelka waxay ku doodaan in federaalka hadda jira uu aad ugu tiirsan yahay qowmiyadaha, taasoo ay ku sheegayaan in ay marar badan halis u gelisay burbur iyo kala daadasho ka dhaca Itoobiya oo ka dhalanaya khilaafka arrimo qowmiyadeed, dhuleed iyo loollan awood.
Laakiin dadka ka soo horjeeda wax ka beddelkan waxay ka digayaan in isbeddelkan uu keeni karo in la wiiqo xuquuqihii qowmiyadaha ee dastuurku dammaanad qaaday.
Qoddobada kale ee saameynta leh ee xisbiga talada haya uu doonayo in dastuurka lagu soo daro waxaa ka mid ah awoodda oo dhan dawladda dhexe inay gacanta ku hayso, si meesha looga saaro awoodda is maamullada.
Waxaa jira dood ku saabsan in magaalooyinka federaalka ah sida, Addis Ababa iyo Dire Dawa loo sameeyo xaalad maamul oo ka madax-bannaan gobollada ku hareeraysan.
Waxaa kaloo jira dood ku saabsan in dib loo eego nidaamka hadda jira ee baarlamaanka ku dhisan iyo qaabka doorashada hoggaanka dawladda. Qaar ka mid ah soo jeedimaha la faafiyay waxay ka hadleen suurtagalnimada nidaam u dhow madaxweyne inay yeelato Itoobiya, taasoo ka dhigan dadweynaha inay soo dooranayaan madaxweynaha yeelanaya awoodda oo dhan.
Haddii isbeddelladan la hirgeliyo, Itoobiya waxay u guuri kartaa nidaam federaal ah oo ka duwan kii ay ku shaqeynaysay ku dhowaad 30 sano.
