Maersk oo ah shirkad caalami ah oo ka shaqaysa gaadiidka maraakiibta ayaa ku dhawaaqday inay kordhisay khidmad dheeraad ah oo loo yaqaan Peak Season Surcharge (PSS), taas oo lagu soo rogi doono dhammaan xamuulka ka baxaya Turkiga kuna socda Soomaaliya.
Kharashkan cusub ayaa dhaqan geli doona 28-ka Luulyo 2026 ilaa amar dambe.
Shirkaddu waxay sheegtay in tallaabadan loogu talagalay maaraynta culayska ka dhasha xilliyada mashquulka badan ee gaadiidka badda.
Kordhinta khidmadaha ayaa la filayaa inay saameyn ku yeelato kharashaadka soo dejinta badeecadaha Turkiga laga keeno iyo qiimaha ay ku iibin doonaan ganacsatada Soomaaliyeed.
