Hoggaamiyaha Xuutiyiinta Yemen Oo Digniin Adag U Diray Dawlada Sacuudiga.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Hoggaamiyaha Xuutiyiinta Yemen, Cabdulmalik Xuuti ayaa waxyar ka hor warbaahinta laga sii daayay hadal digniin oo uu u jeediyay Boroqtooyada Sacuudiga.

Hogaamiyaha oo digniintan diraya ayaa yiri:”Sacuudigu wuxuu weeraray garoonka diyaaradaha ee Sanca, isagoo si cad u beegsaday. Weerarka wuxuu dhacay iyadoo ay maalin cad tahay.

Wax sabab ah oo uu weerarkaas ugu cudurdaarto ma jirin, annaguna wax dhibaato ah uma aynaan geysan.Sidee ayay noo weeraraan, noo beegsadaan, dabadeedna u filayaan inaan iska aamunno?”

Wuxuu intaa ku daray; “Jawaabteennu waa cadahay. Haddii ay weeraraan Sanca, annaguna waxaan weerari doonnaa Riyaad. Haddii ay beegsadaan dekeddeenna, annaguna waxaan beegsan doonnaa dekeddooda. Haddii ay na go’doomiyaan, annaguna waan go’doomin doonnaa.”

Waxaa kaloo uu yiri;“Maxay noogu diidayaan inaan ka faa’iidaysanno shidaalka iyo gaaska dalkayaga? Maxay u rabaan in shacabka Yemen ay gaajo iyo dhibaato ku noolaadaan?”

Ugu dambeyntii wuxuu yiri; “Haddii Sacuudigu mar kale weerar nagu soo qaado, sidii hore uma aamusi doonno.Iyaga ayaa gardarro wada, iyaga ayaana dulmi wada.”