Madaxweynaha Argentina Oo ka Qaybgalka Ciyaarta Finalka U Diiday Khuraafaad Uu Aaminsan yahay.

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Madaxweynaha Argentina, Javier Milei, ayaa sheegay inuusan ka qayb geli doonin finalka Koobka Adduunka ee ka dhacaya magaalada New York, sababo la xidhiidha khuraafaad uu aaminsan yahay.

Wuxuu sheegay inuu ciyaarta ka daawan doono gurigiisa, sida uu sameeyay dhammaan ciyaarihii ay Argentina ciyaartay intii uu tartanku socday.

Madawayne Javier Milei ayaa wuxuu aaminsan yahay hadii uu ciyaarta ka daawado gurigiisa iney nasiib wanaagsan u keenayso xulka Argentina.