Iran oo Duqeysay kaabeyaasha Dhaqaalaha Ee Dalalka Carabta Qaarkood

by Heemaaln
2 minutes read
A+A-
Reset

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kuwait waxa ay soo saartay bayaan ay si kulul ugu cambaareysay waxa ay ku tilmaantay “gardarrada foosha xun ee ay Iiraan iyo kooxaha ay taageerto ku hayaan dalka.”

Bayaanka oo lagu daabacay barta X ayaa lagu sheegay in weerarradan ay si cad u jebinayaan madaxbannaanida Dawladda Kuwait, islamarkaana ay yihiin khatar toos ah oo ku wajahan amniga iyo xasilloonida dalka, kana hor imanayaan sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kuwait ayaa sidoo kale sheegtay in sii socoshada weerarradan soo noqnoqda ay ka dhigan tahay korodh halis ah oo xiisadda gobolka ah, islamarkaana ay si toos ah u halis gelinayaan amniga iyo xasilloonida gobolka, iyagoo muujinaya hab abaabulan oo colaad iyo gardarro aan wax cudurdaar ah lahayn.

Sidoo kale Warar isa soo taraya ayaa sheegaya in Iiraan ay qaaday weerarro aargoosi ah, kadib duqeymo la sheegay inuu Mareykanku xalay ku beegsaday qaar ka mid ah kaabayaasheeda muhiimka ah.

Sida wararku tilmaamayaan, weerarrada jawaabta ah ayaa lagu bartilmaameedsaday kaabayaal rayid iyo kuwo tamareed oo ku yaalla dalal Carbeed oo xulafo la ah Mareykanka. Goobaha la sheegay in ay waxyeelladu gaartay waxaa ka mid ah warshadaha sifeynta biyaha iyo xarumaha lagu keydiyo ama lagu qaybiyo gaaska loo isticmaalo karinta cuntada.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in dab xooggan uu ka kacay qaar ka mid ah xarumahaasi, halka kooxaha gurmadka degdegga ah ay ku howlan yihiin daminta dabka iyo qiimeynta khasaaraha. Ilaa hadda ma jiraan warar rasmi ah oo caddeynaya tirada dadka ku dhintay ama ku dhaawacmay dhacdooyinkan.

Xiisadda u dhexeysa Mareykanka iyo Iiraan ayaa sii xoogeysatay toddobaadyadii u dambeeyay, iyadoo labada dhinac ay is dhaafsanayeen weerarro iyo hanjabaado. Khubarada amniga ayaa ka digaya in haddii weerarrada is-daba joogga ahi sii socdaan, ay khatar gelin karaan amniga gobolka iyo sahayda tamarta ee caalamka.

Dhanka kale, dowladaha ay saameeyeen weerarradan ayaan weli soo saarin warbixin rasmi ah oo faahfaahsan oo ku saabsan baaxadda khasaaraha, halka dowladda Iiraan aysan si rasmi ah u xaqiijin mas’uuliyadda weerarradaas, haddii aysan jirin war rasmi ah oo dambe oo arrinta caddeynaya.

Waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay soo baxaan faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan khasaaraha, goobaha la beegsaday iyo jawaabaha ay ka bixin doonaan dowladaha ku lugta leh.