Xildhibaanadda ka tirsan Koongaraska Maraykanka ee Ilhaan Cumar ayaa si adag u cambaaraysay weerarrada ay Israa’iil ka waddo Lubnaan, iyadoo sheegtay in duqeymahaasi ayna ahayn kuwo kadis ah, balse ay ka dhasheen dagaal ballaadhan oo ay hurinayaan Donald Trump iyo Benjamin Netanyahu. Waxay xustay in in ka badan 1,000 qof la dilay, oo ay ku jiraan carruur, isla markaana in ka badan hal milyan oo qof ay guryahoodii ka barakaceen.
BIlhaan Cumar ayaa ugu baaqday Kongareeska Maraykanka in uu si degdeg ah u farageliyo si loo joojiyo dagaalka iyo khasaaraha sii kordhaya ee ka dhashay colaaddan. “Weerarrada ay Israa’iil ku hayso Lubnaan ma aha kuwo kadis ah. Waa natiijada tooska ah ee dagaal goboleed ay abuureen Trump iyo Netanyahu” ayay tidhi Ilhaan.
“Israa’iil waxay dishay in ka badan 1,000 qof, oo ay ku jiraan 118 carruur ah. In ka badan hal milyan oo qof ayaa guryahoodii ka barakacay. Kongareeska Maraykanka waa inuu arrintan joojiyaa.”
Hadalkeeda ayaa imanaya xilli ay sii xoogaysanayso xiisadda u dhexeysa Iiraan, Israa’iil iyo Maraykanka. Dowladda Iiraan ayaa si cad u beenisay hadal uu hore u sheegay Donald Trump oo ahaa in wadahadallo miro-dhal ah ay dhex mareen labada dal, iyadoo Tehran ay ku adkaysatay in aanay jirin wax wada xaajood ah tan iyo markii dagaalku bilaabmay.
Qaramada Midoobay ayaa ka digtay xaalad bani’aadantinimo oo sii xumaanaysa oo ka taagan Lubnaan, iyadoo sheegtay in in ka badan 1.2 milyan oo qof ay ka barakaceen guryahooda. Warbixinta ayaa sidoo kale tilmaantay weerarro lagu qaaday xarumaha caafimaadka, kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac, isla markaana culays weyn saaray adeegyada caafimaadka ee dalkaasi.
Dhanka milatariga, Israa’iil ayaa sii wadday duqeymaha ay ka fulinayso caasimadda Bayruut, iyadoo sheegtay inay beegsanayso saldhigyada iyo kaabeyaasha ururka Xisbullah. Dhinaceeda, Xisbullah ayaa sheegtay inay weerarro isdaba joog ah ku qaaday ciidamada Israa’iil ee ku sugan waqooyiga dalkaasi, iyagoo adeegsanaya gantaallo iyo diyaarado drone ah.
Dhanka kale, colaadda ayaa ku sii fidaysa dalal kale oo gobolka ah. Kooxo hubeysan oo xidhiidh la leh Iiraan ayaa weerarro ka fuliyay saldhigyo ay leeyihiin ciidamada Maraykanka, gaar ahaan magaalada Arbiil, halkaas oo la sheegay in diyaarado aan duuliye lahayn lagu weeraray saldhig milatari. Sidoo kale, Sucuudiga ayaa sheegay inu burburiyay afar diyaaradood oo daroon ah oo ku wajahnaa gobolka bariga dalkaasi.
Dhinaca dhaqaalaha, qiimaha shidaalka caalamka ayaa si weyn hoos ugu dhacay kadib markii Donald Trump uu dib u dhigay weerarro la qorsheeyay oo lagu qaadi lahaa xarumaha tamarta ee Iiraan. Khubarada ayaa ka digaya in haddii colaaddan ay sii socoto, ay si weyn u saameyn karto dhaqaalaha dunida, gaar ahaan marin-biyoodka istiraatiijiga ah ee Hormuz.