Mareykanka ayaa kusoo rogay canshuuro cusub oo kastam ah 60 ka mid ah dalalka uu ganacsiga la wadaago, taas oo ah tallaabadii ugu dambeysay ee sii xoojisay dagaalka ganacsiga ee uu dib u huriyay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump markii uu dib ugu soo laabtay xafiiska sannadkii hore.
Dalalka iyo ururrada la beegsaday, oo ay ku jiraan sida Shiinaha, Midowga Yurub, Boqortooyada Ingiriiska, Kanada, Japan iyo Hindiya iyo Turkiga,kuwaasoo la kulmi doona canshuur u dhaxaysa 10% ilaa 12.5% taasoo saamayn doonta dhammaan badeecadaha ay u dhoofiyaan Maraykanka, ama dhammaan badeecadaha uu Maraykanku dibadda ka soo dejiyo.
Canshuurahan cusub ayaa beddelaya canshuur la mid ah oo dhacaysa maalinta Jimcaha. Dowladda Maraykanka waxay ku doodaysaa in qaar ka mid saaxiibbadeeda waaweyn ee ganacsiga aysan si ku filan wax uga qaban arrinta shaqada khasabka ah.
Nigeria ayaa kamid ah dalalka lagu soo rogay canshuurta.
Dalal dhowr ah ayaa muujiyay inay ka xun yihiin go’aankan. Brazil iyo Australia ayaa sheegay inaysan jirin wax sabab sharci ah ama dhaqaale ah oo lagu taageerayo canshuuraha cusub.
Dhanka kale, Japan waxay ku tilmaantay tallaabadan mid laga xumaado, halka New Zealand ay sheegtay inay si weyn uga niyad-jabsan tahay go’aanka Maraykanka.
Si kastaba ha ahaatee, khabiirka ganacsiga ee Maraykanka Caroline Freund ayaa sheegtay in tallaabadan “aysan dhab ahaantii ku saabsanayn shaqada khasabka ah,” balse ay Trump “raadinayo sabab sharciyeed oo uu canshuurahan ugu soo rogo.”
Horaantii sannadkan, Maxkamadda Sare ee Maraykanka waxay xukuntay in qaar badan oo ka mid ah canshuurihii caalamiga ahaa ee lagu soo rogay iyadoo la adeegsanayo awoodaha degdegga ah si sharci-darro ah loo meel mariyey.
