Iran Oo Mar kale soo Bandhigtay shan Shuruudood Oo ay ku Joojinayso Dagaalka

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Warbaahinta ayaa Isniintii sheegtay in Iran ay soo bandhigtay shan shuruudood oo ay ku ogolaaneyso heshiis ay la gasho Mareykanka si loo soo afjaro dagaalka kala dhexeeya Mareykanka iyo Israel, kaas oo socday tan iyo dabayaaqadii bishii Febraayo.

Sida uu weriyay Channel 12, Iran ayaa dejisay dalabyo adag oo rasmi ah si loo joojiyo colaadda, kuwaas oo qayb ka ah wada-hadallo aan toos ahayn oo uu ku dhawaaqay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Warbixinta ayaa sheegtay in masuuliyiinta Iran ay doonayaan dammaanad adag oo xaqiijineysa in dagaalku dib u bilaaban doonin. Sidoo kale waxay rabaan hannaan cusub oo lagu maareeyo marin-biyoodka muhiimka ah ee Hormuz, kaas oo si wax ku ool ah hoos imanaya gacanta Iran.

Intaa waxaa dheer, Iran waxay dalbaneysaa in la xiro saldhigyada militari ee Mareykanka ku leeyahay gobolka, iyo in magdhow lacageed laga siiyo khasaaraha ka dhashay dagaalka.

Dhanka kale, Donald Trump ayaa sheegay in Washington ay muddo waday wada-hadallo ay la leedahay Iran, isagoo xusay in markan ay dhab ka tahay. Isagoo ka hadlayay munaasabad ka dhacday Tennessee, ayuu intaa ku daray: “Tani waxay ku timid waxqabadka heer sare ah ee ciidamadeena.”

Trump ayaa sidoo kale muujiyay rajada ah in heshiis la gaari karo, balse wuxuu adkeeyay in Maraykanku hubin doono in Iran aysan waligeed helin hub nukliyeer ah. Wuxuu ku soo gabagabeeyay hadalkiisa: “Iran waxay haysataa fursad kale oo ay ku joojin karto hanjabaadeeda ka dhanka ah Mareykanka iyo xulafadiisa, waxaana rajeynaynaa inay ka faa’iideysato. Si kasta oo ay noqoto, Mareykanka iyo duniduba waxay noqon doonaan kuwo ammaan badan.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.